Weerar khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Mandheera

0

NAIROBI (SMN)Lix qof ayaa geeriyootay kadib markii gaari rakaab ah oo ay la socdeen uu maanta burburiyey qarax intuu uu socday weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen koox hubeysan, waqooyiga bari ee dalka Kenya, meel ku dhow xuduudda Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa rasaas ku furay gaariga kadib markii uu dul maray miino dhulka lagu aasay, meel 8 km u jirta magaalada Mandhera.

“Lix qof ayaa la dilay intii uu socday weerarka lagu qaaday gaariga. Waxaa socda howlgal lagu soo qabanayo kooxda weerarka soo qaaday,” waxaa sidaas yiri afhayeenka booliska qaranka Bruno Shioso.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Warbixin ay soo saareen booliska ayaa lagu sheegay in askar lugeyneysay oo ka ag dhowaa goobta ay rasaas is-weydaarsadeen kooxda weerarka soo qaaday, kuwaas oo u baxsaday dhanka xuduudda Soomaaliya.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa adeegsaday rasaas iyo gantaallada garbaha laga tuuro intii uu socday weerarka, sida lagu sheegay warbixinta. Gaariga oo gebi ahaan ku burburay weerarka ayaa siday tiro rakaab ah oo aan weli la shaacin.

Toddobaadkii tegay, dhowr ka mid ah safaaradaha Reer Galbeedka ee Nairobi ayaa ka digay weerar argagixiso oo lagu beegsanayo ajaaniibta ku sugan caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here