Weerar khasaare geystay oo ka dhacay magaallo xeebeedka Marka

0

MARKA (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka weerar loo adeegsaday bam-gacmeed uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac soo gaaray dad shacab ah.

Weerarka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay suuq u dhow saldhigga Booliska ee magaaladaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale waxaa weerarkan ku dhaawacmay illaa laba qof oo ka mid ah dadkii shacabka ah ee ku sugnaa goobta uu weerarka ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, waxaana ay sameeyeen baaritaano, kadib weerarka ka dhacay halkaasi.

Magaallo xeebeedka Marka waxaa marar badan ka dhacay weeraro khasaare geystay oo ay fuliyeen xoogaga Al-Shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here