Weerar lagu dilay dad isku qoys ah oo ka dhacay deegaanka Camaara

0

CAMAARA (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xoogan oo xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

 

Weerarka oo loo adeegsaday madafiic ayaa waxaa ku dhintay dad isku qoys ah, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Laba qof oo ku dhintay weerarkan ayaa kala ahaa aabe iyo hooyo kamid ahaa shacabka ku dhaqan halkaasi, kadib markii uu gurigooda ku dhacay hoobiye lasoo tuuray.

Sidoo kale waxaa jira dad kale oo ay dhaawacyo soo gaareen oo kamid ah isla qoyska, sida ay ku warameen ilo wareedyo lagu kasoon yahay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana deegaanka Camaara iyo nawaaxigiisa howlgallo ka wada ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here