WHO oo digniin cusub kasoo saartay dagaalka ka socda Ukraine

0

KYIV (SMN) – Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in ay kordhayaan weerarada ciidamada Raashiya ay u geysanayaan goobaha laga fuliyo adeegyada caafimaad ee gudaha Ukraine.

Ururka WHO ayaa intaa ku daray  in beegsiga xarumaha daryeelka caafimaadku ay qayb ka noqdeen xeeladaha iyo tabaha dagaalka casriga ah ee ay adeegsadaan ciidamada Ruushka.

In ka badan 70 weerar oo kala duwan ayaa la sheegay in lagu qaaday isbitaallo, xarumo caafimaad  iyo dhakhaatiir ,iyada oo ay sii kordhayaan maalin walba khasaaraha loo geysanaayo goobaha laga fuliyo adeegyada caafimaadka.

Muqaal iyo sawirro uu soo gudbiyay  ku xigeenka duqa magaalada ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaaray dhismaha isbitaal weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here