Wiil iyo aabihiis oo si arxan darro ah loogu dilay gobolka Galgaduud + Video

0

CAABUDWAAQ (SMN) – Wararkaga naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad hubeysan ay dad isku qoys ahaa ku dileen deegaan hoostaga gobolkaasi.

 

Maleeshiyaadka ayaa lagu soo warramayaa inay si arxan darro ah u dileen wiil iyo aabihiis oo xoolo dhaq-dhaqaaqyo ahaa, kuna sugnaa aagga degmada Xaraale.

Sidoo kale waxa ay dhaawac culus u gaysteen hooyada qoyska, iyaga oo kadib goobta isaga baxsaday, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale warararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaadka dhibaatadan gaystay ay kasoo jeedaan dhinaca magaalada Caabudwaaq ee isla waqooyiga gobolka Galgaduud.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here