Xaalad kacsanaan ah oo laga dareemayo gudaha magaalada Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Gudiga Amniga ee maamulka gobolka Bari ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Boosaaso waxay kaga hadleen amniga magaalada ganacsiga Puntland oo maalmahaan ay xaaladi ka taagneyd.Cabdisamad Abwaan oo ah Gudoomiyaha Gobolka Bari oo ay dhinac fadhiyeen saraakiisha ciidamada amniga ayaa sheegay in Boosaso laga sameyn doono hawlgalo la xiriir amniga si looga hortgo dad uu sheegay in ay khalkhal amni ay wadaan.

Dhanka kale xaaladda Boosaaso ayaa haatan aad u kacsan, waxaana magaalada lagu dhex arkayaa ciidamo badan iyadoo cabsi weyn laga qabo dagaal dhex maro ciidamada Puntland ee Saciid Deni la safan iyo kuwa PSF.

Sidoo kale waxaa socdo dadaallo lagu doonayo in lagu baajiyo dagaalka, si xal loogu helo xiisadda haatan ka taagan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here