BELEDWEYNE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah laga dareemayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi oo uu shalay ka dhacay dagaal gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dagaalka oo aad u xooganaa ayaa u dhexeeyay ciidamada maamulka HirShabelle iyo kuwa kale oo taabacsan maamulka la baxay ‘Hiiraan Satate’ kuwaas oo ku dagaalamay bartamaha magaaladaasi.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in haatan xaaladda ay degan tahay, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidanka ‘Hiiraan State’ ayada oo magaalada ay gees uga baxeen ciidamada ammaanka HirShabelle.
Labada dhinac oo siyaabo kala duwan ula hadlay warbaahinta ayaa midba midka ku eedeegay inuu soo qaaday dagaalkaas oo saamey ku yeeshay bulshada Beledweyne.
Magaaladaan oo xarun u ah Hiiraan ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaallo ka dhashay khilaf dhanka maamulka ah oo u dhexeeyo madaxda gobolka iyo kuwa dowlad goboleedka HirShabelle.