Xaaladda guud ee magaalada Marka oo saaka deggan

0

Marka (SMN) – Xaaladda guud ee magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saaka deggan, kadib dagaal saacadihii lasoo ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo weerar ku qaaday qeybo ka mid ah magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Guutada 14-ka October Gaashanle Cabdiraxiin Maxamed Muunye oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, isla-markaana Al-Shababa ay ka dileen ku dhowaad 5 xubnood, kana dhaawacmeen 10 kale.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan wadaan howl-gallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga magaallo xeebeedka Marka.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here