Xaaladda magaalada Muqdisho oo saaka deggan iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Xaaladda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa saaka ah mid deggan, kadib markii ay xalay iyo shalay ka dhaceen dagaallo culus oo u dhexeeyey ciidanka dowladda iyo kuwa kale oo ‘kasoo horjeedo muddo kordhinta loo sameeyey’ hay’adaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Shacabka Muqdisho ayaa saaka kusoo waabariistay jawi yare xasiloon, waxaana si caadi ah u shaqeynaya waddooyinka magaalada oo ay saameeyeen isku dhacyadii shalay dhacay.

Sidoo kale waxaa socda dadaallo nabadeed oo ay wadaan qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed, kuwaas oo waa-waan ka dhex bilaabay dowladda iyo mucaaradka.

Jawiga caasimada Muqdisho ayaa sidoo kale ka duwan sidii hore, waxaana meelaha qaar ka muuqdo raadadka dagaalladii xalay iyo shalay ka dhacay degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir.

Xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo mucaaradka oo ka dhalatay doorashada ayaa isku bedashay gacan ka hadal, waxaana haatan laga digayaa sii socoshada dagaalladan oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here