Xafiiska Amniga Qaranka oo Muqdisho ku qabtay Shirka Isku-duwidda Maareynta Hubka iyo Rasaasta

0

Muqdisho, 12 Nofeembar 2025 — Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay Shirka Isku-duwidda Maareynta Hubka iyo Rasaasta, kaas oo lagu qabto labo jeer sannadkii, si kor loogu qaado wada-shaqeynta iyo hufnaanta maamulka hubka iyo rasaasta dalka.

 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030, taas oo saldhig u noqon doonta nidaaminta, ilaalinta iyo xakamaynta hubka dalka, si loo yareeyo halista hubka sharci darrada ah.

Shirka waxaa guddoominayey La-taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, waxaana ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca, wakiillo ka socday Wasaaradaha Amniga Gudaha, Caddaaladda, iyo hay’adaha amniga qaranka sida Booliska Soomaaliyeed, Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Ciidanka Asluubta, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa goobta joogay wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, safaaradaha dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera dadaallada ku aaddan maareynta hubka iyo rasaasta.

Ugu dambeyntii, kulanka ayaa ku soo dhammaaday heshiis guud oo lagu xaqiijinayo hirgelinta istaraatiijiyadda cusub, iyadoo la isla gartay in Wasaaradda Gaashaandhigga Qaranka ay u gudbiso Istaraatiijiyaddan Golaha Wasiirrada, si loo ansixiyo loona bilaabo fulinteeda rasmi ah.

No photo description available.May be an image of one or more peopleMay be an image of studying and textMay be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here