Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo soo agaasimay kulan ku saabsan abaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo agaasimay kulan fogaan arag ah oo ku saabsan abaaraha ka jira dalka, gaar ahaan deegaannada Jubbaland.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Guddiga Wasiirrada ah ee u xilsaaran Abaaraha ka jira dalka, Danjireyaasha Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Gargaarka binu-aadantinimo ee ka howl-gala dalka ayaa lagu soo bandhigay walaac xooggan ee ku aaddan xaaladda Abaaraha ee kasii daraysa, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan.

Kulanka ayaa si wadajir  ah u bogaadiyay dadaallada iyo gurmadka ay hormuudka ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, gudo iyo dibadba, iyagoo ku baaqay in la sii dardar geliyo, lana xoojiyo sidii loo badbaadin lahaa dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay ku habsadeen abaaruhu.

Inta uu socday kulanku, Madaxda ayaa ka dhageystay guddigii Wasiirrada ahaa ee gurmadka geeyey iyo Wasiirka Gargaarka Jubbaland warbixin ku saabsan saameynta abaaruhu ay ku yeesheen Jubbaland oo ka mid ah deegaannada ay sida ba’an u  saameyeen  Abaaraha ka jira dalka.

Gabagabadii, Madaxda ayaa isla qaatay in la dardargaliyo lana xoojiyo dadaallada lagu badbaadinayo Nolosha dadka tabaalaysan, iyagoona isla gartay in loo baahan yahay qorshe cad oo looga hortagayo Abaaraha ku soo noqnoqday qeybo ka mid ah Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here