Xal hordhac ah oo laga gaaray colaaddii deegaanka Kabxanley

0

Xabad joojin hordhac ah ayaa laga gaaray dagaalo culus ka dhacay deeganada Kabxanleey iyo Deefoow ee waqoyiga Magaalada Beledweyne.

Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka oo gaaray deegaanka Kabxanleey ayaa xal Hordhac ah ka gaaray Xiisadahaasi, Waxaana Amaanka Deegaanka Kabxanleey lagu wareejiyay inta xal kama dambeys ah laga gaarayo Ciidamada Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Militariga xoogga dalka.

Dadaalladan ayaa waxaa si weyn uga qeyb qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo sidoo kale waxgaradka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here