Xamarweyne iyo Waaberi oo xalay baratamay tartanka Shabelle

0

Degmooyinka Xamarweyne iyo Waaberi oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa xalay ku loolamay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle, iyaga oo soo bandhigay tartan aad u xiiso badan.

Labada degmo oo ku wada jiray group-ka A ee wareega labaad ee tartanka ayaa waxa ay guushu raacday tartamayaasha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Waaberi oo laga adkaaday ayaa heshay dhibco gaaraya 2, halka Xamarweyne ay keensatay 16 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cali Cumar Cabdalla oo ka mid ah guddiga tartan aqooneedka Shabelle.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here