MUQDISHO — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu baaqay culimada haweenka Soomaaliyeed inay door weyn ka qaataan dhismaha dowladnimada, wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga fikradaha xagjirka ah, isaga oo ka qeybgalay xiritaanka shirweynaha labaad ee Dalladda Culimada Haweenka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka dalladdu ka qaadato wacyigelinta bulshada iyo horumarinta awoodda iyo waxqabadka dadka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in haweenku yihiin laf-dhabarta bulshada, isla markaana ay door muhiim ah ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, waxbarashada iyo tarbiyadda carruurta.
Xamsa ayaa sheegay in burburkii dowladnimada Soomaaliya uu saameyn ku yeeshay dhaqanka iyo diinta bulshada, taas oo uu sheegay inay dadka u nugleysay dhibaatooyin iyo duruufo adag, isla markaana ay fursad siisay faafitaanka fikrado xagjir ah oo dhiigga dadka banneysta.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka digay fikradaha dhiirrigeliya rabshadaha iyo dilka dadka aan waxba galabsan, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada laga wacyigeliyo aragtiyadaas.
“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay dalkeenna u soo adeegeen waqtiyo adag oo dalku soo maray, waxa ay doorar muuqda ku lahaayeen dhismaha dowladnimada aynu maanta haysanno, waxa ayna soo saareen hoggaamiyeyaal door muuqda ka qaatay dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.
Waxa uu sidoo kale bogaadiyay hooyooyinka Soomaaliyeed, isaga oo ammaanay adkeysiga ay muujiyeen xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa culimada haweenka kula dardaarmay inay ka qeybqaataan xoojinta dowladnimada, hagaajinta dhaqanka bulshada iyo faafinta faham diimeed oo sugan.
Waxa uu ballanqaaday in Xukuumadda DanQaran ay door muuqda ka qaadan doonto horumarinta culimada haweenka, si ay u noqdaan hoggaamiyeyaal ka qeybqaata horumarka bulshada iyo dowladnimada.
Shirweynaha ayaa diiradda lagu saaray dhisidda awoodda bulshada iyo wacyigelinta dadka Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo doorka culimada haweenka ee horumarinta bulshada iyo dowlad-dhiska dalka.



