Xasan Sheekh iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda UK oo ka wada hadlay amniga iyo xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain, Ed Miliband, kuwaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga Soomaaliya, marxaladda kala-guurka amniga, xaaladda bani’aadannimo iyo dadaallada lagu raadinayo maalgelinta la xiriirta isbeddelka cimilada.

 

Xasan Sheekh oo qoraal ku baahiyay baraha bulshada ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid miro-dhal ah, isla markaana labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo iskaashiga kala dhexeeya dowladda Britain.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday isbeddellada ku socda xaaladda amniga Soomaaliya, baahiyaha bani’aadannimo ee dalka ka jira iyo dadaallada lagu abaabulayo maalgelin caalami ah oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada.

Waxa uu sidoo kale dowladda Britain uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay doorka ay ku leedahay horumarinta mudnaanta amniga, arrimaha bani’aadannimada iyo la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada.

Kulankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay sii waddo wada-shaqeynta saaxiibadeeda caalamiga ah ee ku aaddan arrimaha amniga, gurmadka bani’aadannimo iyo caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here