Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka Soomaaliyeed iyo dib-u-dhiska Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo tayada, aqoonta iyo adeegyada ciidamada qalabka sida.
Jaamacadda Difaaca Qaranka ayaa lagu dhisayaa aragtida iyo qorshaha Madaxweynaha ee tayeynta aqoonta iyo xirfadaha dhinaca difaaca dalka, iyadoo la doonayo in ay soo saarto aqoonyahanno iyo saraakiil Soomaaliyeed oo leh xirfad iyo karti ay ugu adeegaan difaaca iyo ilaalinta qaranka.
Jaamacaddan ayaa loo dhisayaa qaab casri ah, waxaana ay ka koobnaan doontaa kulliyado kala duwan, xarumo cilmi-baaris, goobo tababar iyo deegaan, iyo dhammaan adeegyada lagama maarmaanka u ah xarun waxbarasho oo heer jaamacadeed ah. Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya ka taageeraysa hirgelinta mashruucan.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo ay fulinayaan Hoggaanka Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka. Isbitaalka ayaa ka koobnaan doona saddex dabaq, waxaana loo dhammaystiri doonaa dhammaan adeegyada caafimaad ee looga baahan yahay isbitaal casri ah.
Dib-u-dhiska isbitaalkan ayaa muhiim u ah xoojinta daryeelka caafimaad ee ciidamada xoogga dalka iyo qeybaha kale ee bulshada ee adeegyada caafimaad ka hela xaruntaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaalka ay ku bixinayaan dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha ciidamada, isaga oo xusay in horumarkaasi uu suurageliyey in hay’adahaasi ay muddo kaddib awood u yeeshaan qorsheynta iyo fulinta mashaariic waaweyn oo wax ka taraya tayeynta ciidamada, kor u qaadista aqoontooda iyo daryeelkooda caafimaad.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dib u hawlgeliyey Hoggaanka Dhismaha Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo howlaha dhismaha, dayactirka iyo horumarinta kaabayaasha ciidamada.




