Xasan Sheekh oo Hiiraan u ballanqaaday Caasimadda HirShabeelle, xilli xiisad siyaasadeed ka taagan tahay Beledweyne

0

JOWHAR — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in gobolka Hiiraan la siinayo caasimadda maamulka HirShabeelle, isaga oo ka hadlay tabashada bulshada gobolka, gaar ahaan beesha Xawaadle, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay hoggaanka maamulka.

 

Madaxweynaha oo Sabtidii khudbad ka jeediyay munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee HirShabeelle ayaa sheegay in reer Hiiraan loo oggolaaday inay helaan caasimadda maamulka, balse laga doonayo inay soo magacaabaan magaalo nabdoon oo ay degi karaan, kuna shaqeyn karaan madaxda sare ee maamulka.

“Caasimadu waa meel maamulka iyo madaxda ugu sarreysa ay degaan. Walaalaha reer Hiiraan waxaan leenahay caasimadda waa la idin siiyay, laakiin waxaa la idinka rabaa meel la dego, lagu nagaado, laguna shaqeeyo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu ugu baaqay dadka tabashada qaba iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda maamulka inay is dejiyaan, kana fogaadaan tallaabooyin aargoosi ah, isaga oo sheegay in dalabkooda ku saabsan caasimadda wax laga qabtay.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in go’aanka rasmiga ah ee wareejinta caasimadda ay gaari doonaan madaxda HirShabeelle, iyadoo la waafajinayo dastuurka maamulka, kaddibna la guda geli doono qorshaha raritaanka xarunta maamulka.

“Wajiga labaad wuxuu noqonayaa sidee loo guuraa? Cid loo diidan yahay caasimad ma jirto, waxaana loo baahan yahay gacmihii hanan lahaa,” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wadaan siyaasiyiin iyo kooxo ka soo horjeeda maamulka HirShabeelle.

Khilaafka ayaa salka ku haya tabashooyin siyaasadeed, matalaadda bulshada iyo halka laga maamulayo xarunta ugu sarreysa ee maamulka HirShabeelle oo ka kooban gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dhanka kale, Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee HirShabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax, ayaa ku sugan Beledweyne, halkaas oo uu ka wado kulamo iyo dadaallo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda, laguna furo wada-hadallo lala yeesho dhinacyada tabashada qaba.

Ku dhawaaqista madaxweynaha ayaa suuragelin karta in la bilaabo wadahadallo ku saabsan u wareejinta xarunta maamulka gobolka Hiiraan, hase yeeshee hirgelinta arrintaas waxay ku xiran tahay go’aan rasmi ah oo ay gaaraan madaxda HirShabeelle iyo habraacyada dastuuriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here