Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay ku soo saarayso hanaanka diiwaan gelinta warshadaha habka Fogaan Arragga ah ( online) kaas oo hadda maraya heer gabagabo ah.
Barnaamijyadan oo hadda ku jira heer tijaabo ah, ayaa qorshahu yahay in dhawaan la daah-furo, waxaana ay Ganacsatada u sahli doonaan in iyaga oo jooga xafiisyaddooda shaqo ay soo dalban karaan daabacana karaan shatiyada Ganacsi ee shirkadahooda. Sidoo kale barnaamijka Xog-kaydiyaha Ganacsiga, ayaa isagu na ah Website weyn oo lagu kaydinaayo guud ahaan xogaha la xidhiidha Ganacsiga oo ay ka faa’idi karaan Ganacsatada iyo Maal-gashadeyaasha doonaya inay wadanka ka sameeyaan Maal-gashiyo waaweyn.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar, ayaa boggaadiyey shaqada wanaagsan ee laga qabtay labada barnaamijka, waxaana uu guddi gaar ah u saaray Is-af-garadka Ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda kuwaas oo ka soo talo-bixin doona heshiiska Ganacsi ee Soomaaliya la galayso dalka Uganda.





