Xiisad Cusub oo Ka Soo Cusboonaatay Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya

0

Tigray – Madaxweynaha maamulka Tigray iyo guddoomiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa ka hadlay xaaladda sii xumaaneysa ee gobolka, isagoo sheegay in mudnaanta ugu weyn ee maamulka Tigray ay tahay ilaalinta jiritaanka iyo amniga shacabka.

 

Hadalkan ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan walaaca laga qabo xiisado siyaasadeed iyo amni oo ka taagan gobolka, kadib heshiiskii Heshiiskii Pretoria.

Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in kadib heshiiskaasi ay dib u soo noqotay dowladdii Tigray oo muddo hakad ku jirtay, balse uu ku eedeeyay dowladda federaalka Itoobiya iyo Abiy Ahmed in ay jebiyeen heshiiskii nabadda.

Waxa uu sheegay in gobolka Tigray uu wajahayo xannibaad, go’doomin iyo cadaadis militari, taasoo uu ku tilmaamay in ay hor istaagtay fulinta heshiisyadii la gaaray, isla markaana ay sii adkeysay xaaladda shacabka.

Hoggaamiyaha TPLF ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Tigray ay la kulmeen barakac, dagaal iyo dhul la qabsaday, taasoo uu ku sheegay in ay gaareyso ku dhowaad 45% deegaanada qaar, isla markaana xaaladdaas aysan sahlaneyn in doorasho lagu qabto.

Waxa uu xusay in maamulka Tigray uu diyaar u yahay wada hadal, balse aysan ilaa hadda suuragal noqon in si dhab ah loo fariisto miiska wada xaajoodka si xal siyaasadeed loo gaaro.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada Tigray ay muhiim u yihiin ilaalinta amniga gudaha, halka uu ugu baaqay in kooxaha hubeysan ee gudaha ka dagaallamaya ay joojiyaan colaadda isla markaana loo noqdo wadahadal.

Ugu dambeyn, Debretsion Gebremichael ayaa ugu baaqay qurba-joogta Tigray iyo shacabka Itoobiya in ay taageeraan dadaallada nabadda si looga baxo xaaladda adag ee gobolka ka jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here