Xiisad dagaal oo ka taagan duleedka Degmada Wanlaweyn

0

Muqdisho [SMN] – Xiisada dagaal oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa saaka laga dareemayaa Duleedka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh.Hoose oo qiyaas ahaan 90km dhanka waqooyi galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.

 

Xiisdan ayaa daba socota dagaal dhowaan ka dhacay Degaanka Yaaq-Bariweyne, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 7 ruux halka 10 kalena uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Labadan beel ayaa lagu soo warramayaa in ay ku hayaan dhul beereed ku yaalla duleedka Degmada Wanlaweyn, iyadoona laga cabsi qabo in markale uu halkaasi ka qarxo dagaal u dhaxeeya labada dhinac.

Dadka degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dagaalka u dhaxeeya labada beel uu soo gaaro Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh.Hoose.

Waxay ka dalbadeen Maamulka Koonfur Galbeed iyo kan Gobolka Sh.Hoose in ay kala dhex galaan dhinacyada isku hor-fadhiya duleedka Degmada.

Maahan markii ugu horreysay oo laba maleeshiyo beeleed ay ku dagaallamaan degaanno ka tirsan Gobolka Sh.Hoose, iyadoona xusid mudan in xiisdan ay caqabad horleh ku noqon karto howlgallada la filayo in ay ka billowdaan dalka si looga adkaado Ururka Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here