Xiisad dagaal oo ka taagan duleedka magaalada Beledweyne

0

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal laga dareemayo deegaan u dhow magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Xiisadan ayaa waxa ay salka ku heysaa weerar gaadmo ah oo saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay dad beeraley ah oo ku sugnaa duleedka magaaladaasi.

Dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa laga dareemayaa halkaasi, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco halkaasi.

Hiiraan ayaa waxaa kusoo noq-noqda dagaal beeleedyo, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here