Xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Galgaduud iyo wararkii ugu dambeeyay

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud  ayaa ku warramaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed.

 

Xiisaddan ayaa salka ku heyso aanooyin Qabiil iyo dhul-daaqsin oo ay isku hayaan dadka reer guuraaga ah ee dagan dhulka miyiga ah ee dhaca gobolka Galgaduud.

Waxgaradka ku dhaqan halkaas ayaa dhankooda baaq ka soo saaray xiisaddan, iyaga oo dalbaday in degdeg lagu xaliyo colaaddaasi.

Xaaladda ayaa haatan mid ah aad u kacsan, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo halkaasi.

Galgaduud waxaa aad ugu soo laa-laabtay dagaallada salka ku haya aanooyinka Qabiil iyo daaqa, illaa iyo haddana ma jirto cid u istaagtay xallinta khilaafaadkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here