GALDOGOB (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisad weli ka taagan deegaan lagu magacaabo Bali-soofe oo hoostaga degmada Galdogob ee gobolka Mudug, kaas oo shalay dagaal khasaare dhaliyey oo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed uu ku dhexmaray halkaasi.
Beelahaan oo ah dad ood-wadaag ah ayey xiisaddoodu soo taagneyd maalmahaan, waxaana dagaalkii shalay labada dhinacba kasoo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Beelaha diriray oo ku kala abtirsada ama kala deegaansada maamulada Galmudug iyo Puntland ayey xiisaddoodu ka kacday arrimo la xiriira aanooyin hore oo qabiil iyo dhul-daaqsin, kaas oo weligiisba soo jiray, isla-markaana kusoo noqnoqda dhulka Soomaalidu ay degto, maadaama ay xasaradaha qabiilku yihiin wax dhaqan ahaan aysan marnaba ka ilbixin mujtamac weynaha Soomaaliyeed.
Nabadoon Cali Kamiin oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka ee maamulka Galmudug oo wareysi ay la yeelatay Shabelle ayaa ku sharraxay khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iyo waan-waanta hadda socota, si xiisaddaasi loo joojiyo.
Dhinaca kale Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa si isku mid ah baaqyo nabadeed uga soo saaray xiisada kasoo cusboonaatay gobolka Mudug, inkastoo aysan sheegin wax tallaabooyin maamul ah oo ay qaadayaan, si ay u kala dhex-galaan maleeshiyaadka is dilay welina isku hor fadhiya aagga degmada Goldogob.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana soconaya dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka oo lagu doonayo in lagu kala qaado ciidamada labada dhinac.