Xiisadaha badda cas oo ​​dib u soo nooleeyay burcad-badeeda Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Weerarada Xuutiyiinta ay ku hayaan maraakiibta ganacsi ee ku safra badda cas iyo gacanka cadmeed ayaa fursad cusub u abuurtay burcad badeeda Soomaalida oo tan iyo sanadkii 2017-kii aan geysan wax afduub ah.

 

Howlgalka Midowga Yurub ayaa sheegay in ay jiraan ugu yaraan laba kooxood oo burcad badeed ah oo hadda ka howlgala Bariga Badweynta Hindiya, waxaana ay adeegsanayaan Doomaha ay afduubeen si ay ugu soo qabsadaan maraakiib waaweyn. Tani waxay sare u qaaday dhaqdhaqaaqa burcad-badeedda sanadkan.

Afduubkii ugu horreeyay ayaa dhacay 22-kii Nov, markaasoo burcad-badeed Soomaalida ay xeebaha Puntland ka qabsadeen doon kalluumeysi oo lagu magacaabo Al Miraj 1 oo laga leeyahay dalka Iran, iyagoo dalbadey lacag madax-furasho ah oo dhan 400,000 oo dollar.

4-tii bishii hore, burcad-badeed Soomaali ah ayaa isku dayay inay ka afduubtaan markabka weyn meel u dhow degmada Eyl, oo katirsan Puntland. Weerarka ayaan lagu guuleysan, waxaana baxsaday kooxihii burcada.

Maraakiib kalluumaysi oo yaryar oo badan ayaa la afduubay intii lagu jiray bisha January;  waxaana soo badbaadiyay maraakiibta iyo shaqaalaha la socday oo inta badan Pakistan u dhashay ciidamada badda Hindiya iyo siishilis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here