Xijaar oo isbedal ku sameeyey taliyeyaasha ka howlgala Galmudug

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa isbedal ballaaran ku sameeyey taliyeyaasha ciidamada ee ka howlgala Galmudug, kadib wareegto uu maanta soo saaray.

Isbedalkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiro marxalad doorasho.

Halkan hoose ka aqriso:- 

1- Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Cali Muuse Maxamuud.

2- Taliye ku-xigeenka Ciidanka Birmadka ayaa waxaa loo bedelay Qaasim Sheekhdoon Cali oo ahaa taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug.

3- Gaashaanle Qalbi Axmed Cali ayaa waxaa loo magacaabay Taliyaha5 qeybta Booliska Gobolka Galgaduud.

4- Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame.

5- Taliyaha Saldhiga Booliska Dhuusamareeb ayaa loo magacaabay Maxamed Mire Maxamuud.

6- Taliyaha Saldhiga Booliska Cabudwaaq ayaa waxaa loo magacaabay Dhame Yaxye Maxamed Xaashi.

7- Taliyaha Saldhiga Booliska magaalada Cadaado ayaa waxaa loo magacaabay laba xidigle Maxamed Cadceed Cismaan.

8- Taliyaha Booliska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo magacaabay laba xidigle Maxamed Aadan Cumar.

9- Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska degmada Matabaan ayaa waxaa loo magacaabay laba xidigle Xasan Xuseen Maxamuud.

10- Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Guriceel ayaa waxaa loo magacaabay laba Xidigle Xasan Cabdi Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here