MUQDISHO – Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caano Nuug), oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Shabelle TV ku sheegay in dowladda dhexe ay mas’uul ka tahay xiisadda dagaal ee ka aloosan gobolka Gedo.
Xildhibaanku wuxuu si kulul u dhaliilay dowladda, isagoo ku eedeeyay in ay qalalaaso iyo fowdo ka kicisay dhul nabad ah, isagoo xusay in ay tahay arrin laga murugoodo in xilligaan oo dalku marayo marxalado adag ay ciidamadii qaranka Soomaaliyeed ay isku hub qaataan, halkii ay uga hortegi lahaayeen cadowga dibadda.
“Waa nasiib darro weyn in ciidamo Soomaaliyeed ay ku dagaalamaan dhul nabad ahaa, dowladana mas’uuliyadda way leedahay sababtoo ah iyadaa xaaladda abuurtey,” ayuu yiri xildhibaan Caano Nuug.
Hadalka xildhibaanka ayaa imanaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay dagalada culus ka socdeen degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kuwaas oo dhex maray ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Xiisaddan ayaa cabsi gelisay shacabka ku dhaqan Beled-Xaawo, iyadoo ay jirto baahi weyn oo loo qabo in la helo xal siyaasadeed oo deg deg ah, si loo joojiyo dhiigga daadanaya ee walaalaha Soomaaliyeed.




