Xildhibaan Ceymoy oo war kasoo saaray dagaal beeleedyada gobolka Sh/Dhexe

0

JOWHAR (SMN) – Xildhibaan Maxameyd Cumar Ceymoy oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan gobolkaasi.

 

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in haatan la kala dhex-galay, isla-markaana xabad joojin la kala dhex dhigay maleeshiyaadkan oo ku dagaalay deegaanka Xawaadley iyo deegaano kale oo u dhow degmooyinka Warsheekh iyo Cadale ee gobolka Sh/ Dhexe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhawaan magaalada Jowhar la dhigi doono gogol nabadeed oo la’isugu keenayo beelaha ku dagaalamayaa halkaasi, si ay heshiis uga gaaray colaadda dhexdoooda ah.

Deegaanada HirShabelle, gaar ahaan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan ku soo laa laabtay dagaal beeleedyo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka iyo guud ahaan horumarka gobolkaas oo caan ku ah wax soo saarka beeraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here