Xildhibaanada BF Somalia ee gaaray xerada Afisyooni oo kordhay + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee gaaray Teendhada Afisyooni ayaa kordhay, kadib markii saaka xubnaha baarlamaanka ay caqabad kala kulmeen inay tegaan xaruntaasi.

Xildhibaanada ayaa weli safaf dhaadheer ugu jira inay galaan hoolka doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo halkaasi ka dhaceysa.

Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka C/salaan Dhabancad oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in Afisyooni ay joogi doonaan illaa caawa, ayna qaban doonaan doorashada.

Xaaladda goobta ayaad aad u cakiran, waxaana sidoo kale ku sugan ciidamada Booliska iyo kuwa kale oo ka socda howlgalka ATMIS ex AMISOM, kuwaas oo sugaya amniga guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here