Xildhibaanada BF Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ee maanta ayaa ah, hadal-jeedinta musharaxiinta u tartamaya xafiiska guddoomiye ku-xigeenada 1aad iyo 2aad ee golaha shacabka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa shalay oo sabti ahayd dhageystay hadal jeedinta musharaxiinta isku diiwaangeliyay tartanka guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Sidoo kale, golaha Aqalka sare ayaa dhankooda shalay dhageystay dhammaan musharaxiinta isku diiwaangeliyay guddoomiyaha golaha Aqalka sare iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana lagu wadaa in maalinta talaadada ee soo socoto la qabto doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here