Musharixiinta Aqalka Sare oo maanta hortegaya xildhibaanada HirShabelle

0

Xildhibaanada baarlamaanka HirShabelle ayaa lagu wadaa inay maanta dhageystaan hadal-jeedinta musharixiinta u taagan ka mid noqoshada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Illaa 27 musharax ayaa isa soo diiwaan-geliyey, kuwaas oo u tartamaya sideeda kursi ee ay HirShabelle ku leedahay Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee HirShabelle Mudane Axmed Xasan Diini oo ka hadlay diyaar garowgooda ku aadan qabsoomida doorashada ayaa musharixiinta ka dalbaday in ay ilaaliyaan waqtiga loo ballamiyay inay ku hortagaan xubnaha baarlamaanka.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamada Booliska ay howl-gallo baaritaano ah ka wadaan xaafadaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here