MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaalita ayaa maanta la filayaa inay kulan wadajir ah ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa looga doodi doonaa arrimo ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka.
Wararka ayaa sheegaya in kulankan laga cabsi qabo inuu hareeyo buuq iyo gacan ka hadal, maadaama ay xildhibaanadu ku kala aragti duwan yihiin arrinta dastuurka.
Dhowaan ayay labada Gole ee Baarlamaanka meelmariyeen habraaca wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya.
Dooddan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli siyaasiyiinta mucaaradka iyo hoggaanka Puntland ay ka soo horjeedaan in xilligan wax laga beddelo dastuurka dalka.
Dhowaan ayaa sidoo kale la filayaa in Garoowe uu ka dhaco shir ay isku imaanayaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo saamileyda siyaasadda dalka, kaas oo isna looga hadli doono wax ka beddelka dastuurka oo ay gadaal ka tiixeyso Villa Soomaaliya.