Puntland oo xabsiga dhigtay Oromo badan kadib howlgal ka dhacay Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay howlgal lagu beegsanayo dadka Oromada ah ka sameeyay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

 

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay Oromadii ugu badnayd, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadkan ayaa waxaa looga shakiyay inay ku lug leeyihiin qaraxyada iyo weerarada kale ee ka dhaca halkaasi.

Boosaaso ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala beegsanayay xarumaha ganacsi ee magaaladaasi.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here