Xildhibaanada labada Gole oo meel mariyay xeerka wax ka bedelka Dastuurka

0

MUQDISHO SMN) – Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

 

Kulankan ayaa waxaa si aqlabiyad leh loogu meel-mariyay habraaca wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah oo dood xoogan ay ka taagnayd.

Waxaa ogolaaday habraaca 180 xildhibaan, halka ay diideen 30 mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka golaha.

Arrintan ayaa looga gol-leeyahay in isbeddal lagu sameeyo qodobo kamid ah Dastuurka, gaar ahaan nidaamka dowladnimada, ayada oo loo guuro madaxweyne iyo ku xigeen.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here