Xildhibaano ka mid noqonaya BF Soomaaliya oo lagu doortay Beledweyne

0

MUQDISHO (SMN) – Doorashada Kuraasta Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka ayaa si dardar ah uga socota guud ahaan dalka.

Magaalada Baladweyne oo ah deegaanka labaad ee ay ka dhacaysay doorashada Xildhibaanada ee Hirshabeelle ku matalaya BFS ayaa waxaa si habsami leh uga socota Doorashada Xildhibaanada.

Galabnimada Maanta ayaa waxaa doorasho ka dhacday magaaladaasi ku soo kala baxay Xildhibaanada kala ah;-

Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#274 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Beledweyne.

Xiis Xasan Aadan ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#015 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Beledweyne.

Maxamed Barre Xaaji ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#008 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here