Xildhibaano ka tirsan HirShabelle oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Jowhar

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare dhaawac ah.

Weerarkan ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday guri ay ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle, waxaana kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya inay dhaawacmeen ugu yaraan illaa saddex xildhibaan, kuwaas oo kala ah:- 1-Aadan Maxamed Muuse, Duwane Faarax Cali & Cismaan Cabdullaahi Dhoore.

Sidoo kale ciidamada ammmaanka ayaa goobta gaaray, waxayna sameeyeen howl-gallo baaritaano ah oo loo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi.

Jowhar ayaa waxaa ku sugan wufuud kala duwan iyo musharixiin u taagan ka mid noqoshada Aqalka Sare, kuwaas oo ka qeyb-galaya doorashada ka dhaceysa magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here