Xildhibaano ku soo baxay doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Magaalada Baydhabo waxaa ka socota doorashada shan ka mid ah kuraasta golaha shacabka, waxaana ku soo baxay doorashadaas qaar ka mid ah musharaxiinta.

Cabdirashiid Maxamed Nuur ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#175 ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Cabdirashiid ayaa helay codod gaaraya 70-cod, halka musharaxii la tartamayay Aadan Maxamed Ibraahim uu heley 22-cod, waxaana halaabay Saddex Cod.

Sidoo kale, Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#159 ee golaha shacabka, isagoo helay 72-cod, halka Cabdullaahi Maxamed Isaaq oo la tartamayay uu helay 23-cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here