Muqdisho – Xisbiga Himilo Qaran ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu si adag ugu sheegay in uu dhammaaday muddo-xileedkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BJFS), taasoo uu ku tilmaamay xaalad halis gelin karta hannaanka dowladnimada dalka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in sida ku cad Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Qodobka 60-aad, muddada Baarlamaanka ay tahay afar sano oo ka bilaabata maalinta la dhaariyo, taasoo maanta si rasmi ah u dhammaatay.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay in muddo-xileedyada hay’adaha dastuuriga ah ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee sarreynta sharciga iyo socodsiinta hawlaha dowladnimada, isla markaana dhammaadka muddada Baarlamaanka uu khatar ku yahay geeddi-socodka dowlad-dhiska oo uu ku tilmaamay mid jilicsan.
Xisbigu wuxuu si adag u sheegay in aan la aqbali karin wax kasta oo uu ku tilmaamay “firaaq dastuuri ah”, muddo dhaaf sharci-darro ah iyo wax u dhimaya haykalka dowladnimada. Sidoo kale wuxuu ka digay tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo hal dhinac ah oo ka imaanaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Madaxweynaha looga baahan yahay ilaalinta Dastuurka iyo heshiiska siyaasadeed ee saldhigga u ah nidaamka dowladnimo, isla markaana laga fogaado muddo-kororsi ama doorasho aan loo dhammayn oo horseedi karta qalalaase siyaasadeed.
Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran ayaa ku baaqay in si wadajir ah loogu istaago badbaadinta nidaamka dowladnimada, isla markaana la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay si looga gudbo xaaladda cakiran ee dalka.




