Xubin ka tirsan Golaha Wadatashiga Qaranka oo Qorsheyneyso inuu dagaal ka qarxo Muqdisho

0

MUQDISHO [SMN] – Sida ay ku waramayaan ilo ka ag dhow Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu si xoog leh ugu howlan yahay in shirka ay hadda leeyihiin xubnaha Madasha Wadatashiga Qaranka uu ku dhamaado natiijo la’aan.

Dad xog ogaal waxaa ay sheegayaan in Saciid Deni oo taageero ka helaya Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu si aad ah u riixayo in amniga qaranka laga wareejiyo Madaxweyne Farmaajo asagoo og in aysan suurta gal aheyn dastuur ahaan balse ujeedku yahay in qodobkan dartiis uu shirka u burburo oo lagu kala tago.

Xogaha ay Shabelle heleyso waxay intaas ku darayaan in Saciid Deni uu wado kulamo iyo abaabul hoose oo garab socda shirka madasha kaasoo uu ku doonayo in Muqdisho uu dagaal hubeysan ka bilowdo maalmaha soo socda isagoo kaashanaya siyaasiyiin iyo saraakiil hore oo Muqdisho kasoo jeeda kuwaasoo soo aruurin karo ciidamo beeleedyo.

Deni ayaa aaminsan in haddii uu dagaal bilowdo ay wiiqmi doonto awooda dowlada federaalka, ayna isla markaa sahli karto in Madaxweyne Farmaajo uunan mar kale isu soo taagin xilka Madaxweynaha dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu ka faa’ideysanaa siyaasiyiinta Muqdisho kasoo jeeda kuwaasoo khilaafsan Madaxweyne Farmaajo iyo khilaafka u dhexeeya RW Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo.

Shabelle oo xiganaysa ishaan oo ay kukalsoontahay waxa y intaa raacineysaa in 3maalin uu shirka socday Dani uu xiliyada habenkii ah kulamo uu lalahaa madaxda kale ee dowlad goboleedyada taas oo uu isugu dayey in uu ka dhaadhiciyo fikirkaas ah in amniga qaranka m.farmaajo laga wareejiyo balse badankood uu kala kulmay inay ku gacan seereen.

Qorshaha uu Dani arintaan kalahaa ayaa ah in hadii ay fikirkaas laqaataan ay si duuban shirka miiska usaaraan taas oo kali uu kunoqon lahaa Raisalwasaare rooble balse ay Dani kunoqotay mid garab kaga waayey madaxda golaha marka laga reebo axmed madoobe oo isaga qudhiisu dareensan in sharci ahaan in tahay midaan soconeyn.

Shirka oo maanta galay maalintii 4aad xubno kqtirsan beesha kaalamka oo kulan laqaatay Siciid Dani ayaa ayaa uga digay in go’aan qaldan uu qaato darteed uu shirka umaira dhali waayo hadii ay dhacdo in uu kusii dhaganaado go aankaas uu eeda diorashada dib udhacaysa dusha saaran doono siciid dani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here