Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo culus ka sameeyay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

 

Howlgalladan oo ahaa kuwa qorshaysan ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay ciidamada xasilinta caasimada ee Boolisk Milataaro iyo kuwa Haramcad, kuwaas oo isku fidiyay xaafado ka tirsan degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha maamulka degmadaas, Saynab Xaabsey oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in howlgallada lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegtay inay si dhuumaalaysi kusoo galeen gudaha caasimadda.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in haatan ay la wareegeen ciidamada ammaanka, isla-markaana lagu sameyn doono baaritaano dheeraad ah.

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay howlgallo culus ka waday ciidamada ammaanka ee dowladda, kuwaas oo u jeedkooda ahaa ka hortagga weerara Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here