Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay magaalada Jowhar

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM, qaybtooda Burundi ayaa gacanta ku dhigay tiro ka tirsan Al-Shabaab kadib markii ay hawl-gal si wada-jir ah uga sameeyeen deeganada Golooley iyo Ceel-gelow oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobalka Shabeellada Dhexe.

AMISOM ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in xubnahaas Al-Shabaab ee la qabtay ay ku wareejiyeen booliska Soomaaliya si ay baaritaan dheeri ah usameeyaan.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliya inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here