Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Baay

0

BERDAALE (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay saaka ciidamada deegaanka ku qaadeen deegaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla duleedka degmada Berdaale ee gobolka Baay, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

 

Weerarkan ayaa waxaa Al-Shabaab looga dilay ugu yaraan 9 xubnood, ayada oo sidoo kale looga furtay hub iyo rasaas, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Koonfur Galbeed.

“Degmada Bereaale Ee Gobolka Bay Taariikhda:18/4/2024 Xarun ay Khawaarijta kulahaayeen Tuulada Taflow oo 28km Dhanka Koonfur kaga beegan Degmada Berdaale ayaa Ciidanka Xaq udirirka Deeganka weerar ay kuqaadeen waxaa laga soo furtey 7 qori oo AK 47 ah iyo 1 Bkm iyo 8-Sanduuq oo Rasaas ah waxaana Khawaarijta Halkaas Lagaga diley 9 Maleeshiyo oo Argagixisada Daacad u ahaa” ayaa lahu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in wax khasaare ah uusan soo gaarin ciidamada deegaanka ee howlgalka ku qaaday kooxda Al-Shabaab.

“Ciidamada Xaq udirirka ah ayaa hada gurmad uga baxay Degmada Berdaale Wayna Nabad qabaan Ciidanka” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalka ka dhacay agagaarka degmada Berdaale ee gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here