Xukuumadda Soomaaliya oo baaq kasoo saartay colaada ka taagan Beledweyne

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah oo ay dirirtu ku dhexmartay qaybo ka tirsan Degmada Beladwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Madaxda Wasaaraddu ayaa boorisay odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhallinyarada, ururrada haweenka iyo waxgaradka in ay kala shaqeeyaan mas’uuliyiinta ka socda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle joojinta dagaalka dhexmaray beelaha walaalaha ah.

Ugu Dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya  ayaa labada beelood ee walaalaha ah oo ay dirirtu dhxemartay ka dalbaday inay si sharuud la;aan ah ku joojiyaan colaadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here