Azerbaijan – Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 15 sano ayaa guul 2-1 ah ka gaaray dhiggiisa Sacuudi Carabiya kulan ka tirsanaa tartanka FIFA U-15 World Cup and Festival 2026, oo ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.
Ciyaartan ayaa qeyb ka ahayd kulamada heerarka tartanka oo la ciyaarayo 28-ka iyo 29-ka Oktoobar, iyadoo kulamada kama dambaysta ah ee lixda heer la qorsheeyay in la qabto 30-ka Oktoobar.
Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalaya xulal da’yar oo ka kala socda in ka badan 180 dal. Kooxaha waxaa loo kala saaray lix heer, laga bilaabo Tier A ilaa Tier F, iyadoo lagu saleynayo natiijooyinkii kulamadii hordhaca ahaa.
Guusha ay Soomaaliya ka gaartay Sacuudi Carabiya ayaa xulka u ah natiijo muhiim ah, iyadoo uu sii wato tartankiisa heerka loo qoondeeyay. Kulamada harsan ayaa lagu kala ogaan doonaa kaalinta ugu dambeysa ee uu xulku ka galo heerkaas.
Xulka da’yarta Soomaaliya, oo loo yaqaan Ocean Stars, ayaa tartankan uga faa’iideysanaya inuu khibrad ka helo ciyaaraha caalamiga ah, isla markaana uu la tartamo xulal ka kala socda dalal kala duwan.
Ka qeybgalka tartanka ayaa fursad u siinaya ciyaartoyda Soomaaliyeed inay horumariyaan xirfadahooda, helaan waayo-aragnimo dheeraad ah, ayna awooddooda ku muujiyaan fagaaraha caalamiga ah.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kooxda xigta ee Soomaaliya la ciyaari doonta iyo kaalinta ugu dambeysa ee xulku ka geli doono heerkiisa tartanka lama shaacin.




