Yaa ku soo baxay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#154?

0

BAYDHABO (SMN) – Xildhibaan Sareeda Maxamed Cabdalla ayaa markale ku soo baxday kursiga HOP#154 ee Golaha Shacabka, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Baydhabo.

Kursigan ayaa waxaa isku soo taagay Xildhibaan Sareeda iyo musharrax Nasteexo Maxamed Yuusuf oo mar dambe ka tanaasushay tartanka doorashada.

Sareeda oo loo qaaday cod gacan taag ah ayaa heshay dhammaan codadka ergada ee soo xaadirtay doorashada, sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastabaa, kursiga HOP#154 ayaa waxaa horey u celiyey guddiga doorashooyinka ee heer federaal (FEIT), kaas oo shaaciyey in aan doorashadiisa loo marin habraac sax ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here