Yabooh oo dhagax dhigay dhismaha wadda Interlock ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Interlock ah oo laga hirgalin doono Suuq labaad ee ugu weyn Caasimadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid, iyada oo dhagax dhigan goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Suleymaan Fargax.

 

Dhismaha waddadan ayaa ah mid muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka suuq weynaha suuq Bacaad islamarkaana hirgalintiisa ay baahi weyn u qabeen bulshada deegaanka sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha Degmada Yaaqshid.

Guuddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) waxa uu sheegay in ay sii socon doonaan talaabooyinka lagu horumarinaayo dib udhiska iyo bilicda Caasimadda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here