Al-Shabaab badan oo isku soo dhiibay ciidanka nabad-sugidda Koonfur Galbeed

0

BAYDHABO (SMN) – Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbdeed ayaa kusoo bandhigay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo gaaraya illaa iyo 8 xubnood oo isku soo dhiibay ciidamadaasi.

 

Xubnahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ayaa u qaabilsanaa qeybaha kala ah, Jabhadaha iyo Xisbada.

Isku soo dhiibistan ayaa kusoo aadeysa xilli uu ka socda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana sii kordhaya xubnaha ka soo goosanaya kooxda ee isku soo dhiibaya dowladda, xilli ay sii xoogeysanayaan howlgallada dalka ka socda.

Dhanka kale Galmudug, iyo Jubbaland, ayay iska soo dhiibeen xubno badan oo muddo ka barbar dagaalamayey Al-Shabaab, kadib markii ay u adkeysan waayeen nolosha adag ee duurka ku heysata kooxda.

Inkastoo deegaanada qaar ay ka socdaan howlgallo culus, sida Jubbaland, HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, hadana waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay bilowdaan howlgallo culus oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaami doono.

Madaxweynaha ayaa mar kale u guuraya Dhuusamareeb, si dagaalka uu halkaas uga hoggaamiyo, loona sii wado howlgallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here