Ciidanka Booliska oo soo qabtay rag si sharci darro ah ku buufinayay Bajaajyada

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Boolsika  ayaa gacanta kusoo dhigay shabakad ku eedeysan iney si sharci darro ah u buufinayeen Mooto Bajaajyada Muqdisho uga dhex shaqeysta magacyada kala ah A iyo B.

 

Raggan ayaa xilliga lasoo qabanayay ku howlanaa buufinta sharci darrada ah ee Bajaajyada oo horay amar culus ugu soo saaray maamulka gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Qeybta Guud Ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa Gacanta Ku soo dhigay Eedeysanayaal Lagu Qabtay ayagoo si sharci dara ah ku Buufinayo Mootooyinka A iyo B ah Arintan oo Horey Sharci loogu soo saarey ,

Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir gaar ahaan Ciidanka Saldhigga X/jajab oo ku guda jiray Howl MaalMeedkooda ayaa Shabakadan Gacanta Ku soo dhigay,

Eedeysanayaashan ay Ciidamada Gacanta Ku dhigeen xili ay ku guda jireen Buufinta Mootooyin cusub ayagoo Kula Dhuumanaaya Meel u Gaar ah oo ay ku fuliyaan buufintooda Sharci Darada ah

Eedeysanayaashaan Waxaa Hada Ku Socda Baaritaan Ku aadan Arintaan Sharcidarada ah ayadoo baaritaankaas xooga lagu saaridoono mudadii ay ku guda jireen inta mooto oo ay buufiyeen iyo Taargooyinka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here