Cape Town – Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay saddex dhacdo oo toogasho ah oo kala duwan oo ka dhacay magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika, sida ay Axaddii sheegeen booliiska dalkaasi. Ciidanka Booliiska Koonfur Afrika (SAPS) ayaa sheegay in baaritaanno lagu bilaabay toogashooyinka ka dhacay xaafadaha Khayelitsha, Langa iyo Gugulethu.
Dhacdadii ugu horreysay oo ka dhacday aagga Lingelethu West ee Khayelitsha ayaa waxaa lagu dilay saddex nin oo da’doodu ahayd 25, 31 iyo 35 sano. Toogashadii labaad oo ka dhacday Waddada Winnie Mandela ee aagga KwaLanga ee Langa ayaa waxaa lagu dilay afar nin iyo hal haweeney.
Dhacdadii saddexaad oo ka dhacday xaafadda aan rasmiga ahayn ee Barcelona ee Gugulethu ayaa waxaa lagu dilay laba nin iyo hal haweeney, halka laba qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. SAPS ayaa sheegtay in ciidamo booliis oo dheeraad ah loo diray goobihii ay toogashooyinku ka dhaceen iyo deegaanno kale oo loo arko inay yihiin meelaha khatarta sare leh.
Taliyaha Booliiska Gobolka Western Cape, Lieutenant General Sizakhele Dyantyi, ayaa sheegay in aan weli la ogeyn sababta ka dambeysa weerarrada, isagoo ugu baaqay dadka haya xog gacan ka geysan karta baaritaanka inay la wadaagaan booliiska.
Dyantyi ayaa sidoo kale ku dhawaaqay abaalmarin dhan 100,000 oo Rand oo la siinayo qofkii bixiya xog horseedda soo qabashada dadka ka dambeeyay falalkan. Taliyaha ayaa xusay in rabshadaha kooxaha dambiilayaasha ah iyo hubka sharci-darrada ah ay weli yihiin caqabado waaweyn oo dhanka amniga ah oo ka jira gobolka.




