Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo booqday xerada ciidanka ee Balli-doogle

0

BAYDHABO (SMN) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa manta gaaray Xerada Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Balli-doogle ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Lafta gareen iyo wafdigiisa ayaa kormeer iyo Indha-indheyn ku sameeyay qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay xerada Balli-doogle, iyagoo sidoo kale u kuur galay sida ay u socdaan howlaha tababarrada Ciidanka Kumaandooska ee Danab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa inta uu halkaasi ku sugnaa la kulmay saraakiisha Sooaaliyeed iyo kuwa ka socda Waddamada ay saaxiibbada nahay, isagoo kala sheekaystay howlaha tababarka ciidamada ee halkaasi ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here