AMISOM oo beenisay in ciidamadeeda ay ka qeyb-qaateen dagaalkii Guriceel

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM ayaa waxaa looga hadlay eedeyntii ay Ahlu Sunna u jeedisay ee aheyd in ciidamada Midowga Afrika ay ka qeyb-qaateen dagaalladii ka dhacay degmada Guriceen ee xarunta gobolka Galgaduud.

AMISOM ayaa gaashaanka u daruurtay eedeynta Ahlu Sunna, waxaana ay waxba kama jiraan ku tilmaamtay wararka sheegaya in ciidamadeeda ay ka qeyb galeen dagaalkaas.

Taliska AMISOM ayaa sidoo kale xusay in ciidamadooda ay Soomaaliya u joogaan nabad ilaalin, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Howlgalada AMISOM oo ay ku jiraan hawlgalada Milatari iyo taageerada Ciidanka dowladda, waxaa haga waajibaadka ay bixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana wax lagu fuliyaa in si adag loo dhawraa howlgalada iyo Xeerarka Hawlgelinta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here